Abaaro 1:00 duhrunimo ee maanta ayaa diyaarada qaada rakaabka ee daallo airlines waxay ku dhacday gudaha garoonka gaar ahaan qeybta runway-ga xilligii ay soo caga dhigatay garoonka .
Diyaarada oo ahayd diyaaradaha ka shaqeysa Deeganada Puntland ayaa waxaa ay xilligii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa lugta ugu horeysa ee diyaaradu ay u laabantay dhinaca gudaha taasi oo markaasi sababtay in diyaarada Daallo ay in cabaar ah ku soo socoto afka hore xilligaasi oo ay Diyaaradu ka soo kicintintay Magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.
Ma jirto qasaare kale oo dheeri ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garonka diyaaradaha ee Boosaaso marka laga reebo diyaarad oo qadar xanibtay Runway-ga diyaarada bacdamaa ay diyaaradu fadhiday halka diyaaradu soo gaca dhigtaan xilliga ay soo degayaan.
13 qof oo rakaab ah ayaa saarnaa xilligii ay diyaaradu shilku ku dhacay kuwaasi oo ay ka soo qaaday dalka jabuuti mana jirto wax kale oo qasaare oo halkaasi ka dhacay marka laga reebo burbur yar oo qeybta hoose ee diyaarada soo gaaray
Masuuliyiin ka tirsan shirkada Diyaarada ee Daallo ayaa halka diyaaradu wax ku gaaran ka hadlay waanay saxaafada uga warbixiyeen qaabka diyaaradu wax u gaareen & sida uu shilka diyaarada u dhacay maareeyaha shirkada diyaarada ee daallo C/qaadir neero ayaa ka hadlay waxaana uu sheegay ay tahay markii ugu horeysay ee ay diyaaradoodu shil noocan ah la kulanto balse uusan ahayn wax cilad ah oo diyaaradu qabtay balse ay tahay arin si kedis ah u dhacday.
Mareeyaha Garoonka Diyaarada ee Bosaso C/majiid Samatar Maxamuud Jaafaa ayaa isna sheegay in ay ka leexin doonan dhabada diyaaradaha ee ay taallo diyaarada maanat cilladu ku dhacday ee daallo islamarkaasina ay arintaasi tahay mid aan ahayn cilad garoonku leeyahay dhabadiisa balse ay tahay dabeyl yar oo diyaarada jaweigeeda wax ka badeshay taasi oo sababtay in diyaaradi si xoog ah ay lugta hore dhulka ugu dhufato.
Shilalka noocan oo kale ayaa ku cusub garoonka diyaarada ee Banderqaasim Airport ee Magaalada Boosaaso waxaana masuuliyiinta garoonka diyaarada ee Boosaaso ay sheegen inay labo ama sadex shil ay ka dhceen garoonka tan & intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Hadaba Daawo Sawirada Diyaarada
 |
| Muuqaalka Diraayada oo Afkeeda hore dhulka ku haysa |
 |
| Muqaalka Lugtii hore ee diyaaarada oo gudaha u gashay Diyaarada |
 |
 |
| Qaar ka mid ah Howlwadeenada Diyaarada oo Hortaagan Afka hore diyaarada oo ah halka uu shilku ka dhashay. |
 |
 |
| Mareeyaha Shirkada Daallo Airlines C/qaadir Neero |
 |
| Mareeyaha Garoonka Diyaarada Boosaaso C/majiid Maxaxmed Jaafaa |
Maxamed Deeq Cabdalla
SBC International Monitoring