Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa wada qorshe ciidamo ka socda Qaramada Midoobey lagu keenayo Soomaaliya si ay u beddelaan kuwa Midowga Afrika.
Fadhi ay Golaha Ammaanku yeesheen maalintii shalay ayey xoghayaha guud ugu soo jeediyeen in uu diyaariyo amaba isku dubba rido qorshe ciidamo ka socda Qaramada Midoobey lagu keenayo dalka si ay nabadd u ilaaliyaan.
Qaraarkan oo uu soo bandhigay wadanka Britain ayaa ugu baaqaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, inuu bilaabo qorshayaal deg deg ah oo lagu eegayo suurtagalnimada in ciidamo ka socda Q.M lagu bedelo kuwa Midowga Afrika , inkastoo aam waqti loo qaban xiliga ay dhacayso wareejintaasi.
Baaqa ayaa yimid, ayada oo uu qeyb ka ahaa qaraar Golaha uu shalay ansixiyay, kaasi oo muddo lix bilood ugu kordhiyay waqtiga ay Ciidamada African-ka ah ay fasaxa u heystaan inay joogaan Somalia.
Keyse Caamir
SBC Nairobi