Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Golaha dhaqanka Hawiye oo si adag uga hadley hadaladii Maxamed Dheere.

Iyadoo maalinimadii shaley uu si kulul Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu uggu eedeeyey Odayaasha dhaqanka Beelaha inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ku bixi doonaan dabka ay afuufaan oo ku dhinta ama banaanka ka soo hadli doona.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha midnimada iyo dhaqanka beelaha Hawiye oo uu saxaafada u aqriyey Gudoomiyaha Gole dhaqameedkaasi Max’ed Xasan Xaad, waxaana warsaxaafadeedkaasi aqriyey.

Warsaxaafadeedkaasi ayaa waxaa lagu socodsiiyey Beesha Caalamka, Kooxda xiriirka Soomaaliya, Ciidamada Aimson ee Midowga Afrika iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye uu yahay gole dhaqan oo aanu aheyn gole siyaasaded, isla markaana uu yahay waa sida warsaxaafadeedka loo qoraye in golahaasi uu yahay mid ka shaqeynaya arimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta, golahuna uu ka shaqeynayno arimaha dhaqanka iyo daris wanaaga iyo xalinta khilaafaadka Ummada Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ay jiraan waa sida hadalka loo yiriy’e Dhibaat0 uu Maxamed Dheere uu ku hayo reer Muqdisho, waxaana waa sida warsaxaafadeedka lagu qoraye lagu sheegay in Max’ed Dheere uu warbaahinta ka sheegay in uu leynanayo Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye hadii aysan isaga cararin wadanka, waxaana warsaxafaadeedka lagu sheegay in Max’ed Dheere ay u sheegayaan in xubnaha golaha aanay ka bixi doonon magaalada Muqdisho inta hal qof uu ka nool yahay.

Warka ka soo baxay Odayaal dhaqameedka in Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye aanu tuurin ban, isla markaana hadalka ka soo yeeray Max’ed Dheere uu yahay meel ka dhac iyo marmarsiiyo iyadoo Max’ed Dheere uu myasuul ka noqon doonaa 116 da xubnood ee ka mid ah golaha haddii hal qof uu wax ka noqdo

Golaha dhaqanka waxa uu beesha caalamka la socodsiinayaa in Maxamed Dheere uu warbaahinta kaga dhaartay in uu leynayo xubnaha golaha dhaqanka haddii aysan Asmara Aadin, hadaba waxaan leenahay golaha dhaqanka Hawiye Asmara waxba kama jiraan Muqdisho ayay joogi doonaan inta hal qof uu ka nool yahay shaqadooda ayay sii wadan doonaan.

Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in waa sida hadalka loo yiriy’e Maxamed Dheere wuu hortaagan yahay isla markaana uu caqabad ku yahay isfahamka dowladda iyo shacabka reer Muqdisho.

Sidoo kale warsaxaafadeedka jawaabta ah ee ay soo saareen Odayaal dhaqameedka waxaa lagu yiri waa sida hadalka uu u qoran yahay’e in Maxamed Dheere uu Masuul ka yahay xasuuqa, xarigga, barakicinta iyo qafaalashada shacabka reer Muqdisho.

Maxamed Dheere waxa uu Suuq Bacaad ku gubay meel fagaaro ah nin ganacsade ah iyo hantidiisa, arintaasi oo horey aan loo arkin, umadda Somaliyeedna ku noqotey argagax iyo fajac. Ayaa laggu yiri warsaxafadeedkan , iyadoo lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeedka in Maxamed Dheere markii uu ka soo bixi waayay Mas'uuliyaddiisa waxa uu ku rafanayaa qofkasta oo waxgarad ah oo wax sheega, isla markaana dadka ayuu u diidayaa in ay ka hadlaan dhibaatada ka taagan gobolka Banadir.

Golaha dhaqanka waxa ay uga tacsiyeynayaan bahweynta saxaafadda xorta ah warkii hanjabaadda ahaa ee Maxamed Dheere ugu hanjabay in saxaafadda uu xiri doono, haddii ay ka hadlaan dhibaatada Muqdisho ka taagan.

 SBC News Desk



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Feb 09 Shirkada golis oo Maanta shaacisay Qiimo dhimis horleh oo ay Sameysay
Feb 09 B/badeeda:lacag Madax furasho ah ayaan ka qaadanay waana sii daynaynaa.
Feb 09 Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maamul u magacaabay Degmada Xarfo
Feb 09 Xisbul Islaam "Waan soo dhaweyneynaa Hadalka ka soo yeeray Nigeria"
Feb 09 Maamulka Somaliland oo Siidaayay Dad ay ku qabteen Banaanbaxyadii Laascaano
Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari oo ka hadlaya Qarax Boosaaso ka dhacay Caawa (22.07.09)
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2009   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software