Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Max'ed Dheere"weerarada & Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho waxaa masuul ka..

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheer) ayaa ku eedeeyey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, inay ka dambeeyaan odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ee Muqdisho.

Max'ed Dheere oo shir jaraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho gaar ahaan Taliska Qaybta Booliiska Banaadir  ayaa si toos ah eedeyntaasi wuxuu ugu eedeeyey Max'ed Xasan Xaad iyo Nabadoon Axmed Diiriye Max'ed oo ka mid ah Golaha mideynta dhaqanka ee beelaha Hawiye.

Hadalkiisan ayuu Max'ed Dheere wuxuu ku sheegay in Odayaashaasi ay yihiin kuwa ka masuulka ka ah qaraxyada ka dhacaya Muqdisho, isagoo tibaaxay in odayaashaasi ay ku bixi doonaan dabka ay ka shaqeynayaan.\

"Kuwii dabkan ka damneeyey waxay ku baxeen dabkii ay aasaaseen, kuwana waxay ku bixi doonaan dabkan waxayna la mid noqon doonaan kuwa ka soo hadlaya Eritrea iyo meelo ka fog fog, waadna arki doontaan inay ka baxaan dabkan ay afuufeen" ayuu yiri Max'ed Dheere.

Eeedeynta ka timid Max'ed Dheere oo uusan u soo gudbin si muuqada oo cadeymo ah, ayaa timid 24 saac ka dib markii Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ay sheegeen inay cambaareynayaan qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Ma jiro wali wax ah oo ka soo baxay Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye oo ku aadan eedeynta uga timid Max'ed Dheere.

SBC News Desk



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Feb 09 Shirkada golis oo Maanta shaacisay Qiimo dhimis horleh oo ay Sameysay
Feb 09 B/badeeda:lacag Madax furasho ah ayaan ka qaadanay waana sii daynaynaa.
Feb 09 Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maamul u magacaabay Degmada Xarfo
Feb 09 Xisbul Islaam "Waan soo dhaweyneynaa Hadalka ka soo yeeray Nigeria"
Feb 09 Maamulka Somaliland oo Siidaayay Dad ay ku qabteen Banaanbaxyadii Laascaano
Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari oo ka hadlaya Qarax Boosaaso ka dhacay Caawa (22.07.09)
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2009   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software