Taliyaha ciidanka gobolka Jubbada Dhexe ayaa shaaka ka qaaday in malleyshiyaadka isbaarooyinka dhigta waddooyinka gobolkaasi tababar loo furi doono lana qarayn doono si ay uga qayb galaan difaaca dalka.
Taliyaha cusub gobolka Jubbada Dhexe Mire Cali Waakow, ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo waxgaradku ay si weyn u taageersan yihiin ururinta malleyshiyaadka si loogu diyaariyo in ay noqdaan xoogga dalka Soomaaliya.
Amarka ciidankan lagu ururinayo ayaa ka soo baxay dawladda federaalka Soomaaliya, si malleyshiyaadka dib loogu habeeyo.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Gen Cabdi Mahdi ayaa sheegay dawladdu ay go'aansatay in malleyshiyaadkaas ay tababarro u furto si ay ugu istaagaan difaaca dalka halkii ay jidgooyooyin dadka lagu dhibo ay u oodan lahaayeen.
Leyla Sheekh Aadan
SBC Kismaayo