Wasiirrada gaashaandhigga ee waddamada Afrikada Bari oo haatan kulan ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa gudbiyey qaraar cusub oo ciidamo nabadda ilaaliya oo shaqeeya saddexda sano ee soo socota loogu soo dirayo waddanka Soomaaliya.
Wasiirrada gaashaandhigga ee Bariga Afrika ayaa haatan isku dubba ridaya qorshaha cusub ee ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda dalalka Afrika loogu soo dirayo Soomaaliya si ay waddanka uga hawl galaan saddexda sannadood ee soo socota.
Markii uu shirkani furmayey maalintii Jimcadii madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa wasiirrada ku boorriyey in waddamada Afrikada Bari ay isu diyaariyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka kajira gobolka.
Wasiirka gaashaandhigga dalka Uganda, oo ah guddoomiyaha wasiirrada kulankan, Ms Ruth Nankabirwa ayaa sheegtay in la doonayo in dalalka Afrika gaar ahaan kuwa Afrikada Bari ay awood u yeeshaan ciidan ka jawaaba dhibaatooyinka iyo khilaafaadyada ka jira gobolka kuwaas oo awood ay wax ku qabtaan leh marka sannadku gaaro 2010.
Dalka Uganda waa waddankii ugu horreeyey ee keena ciidamo nabadda ilaaliya waddanka Soomaaliya, iyadood howaan la filayo in Uganda ay ciidamo kale oo dheeraad ah u soo dirto Soomaaliya.
Keyse Caamir
SBC Nairobi