Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ee uu hoggaamiye Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) ayaa ku kulul u cambaareeyey xukunka maxkamadda Hargeysa ay ku riddey madaxda ugu sarsaraysa xisbiga Qaran.
War ka soo baxay madaxda xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay in haddii ay dowladda ay dhaliilsan tahay ama ay dood ka qabto dhismaha xisbigaasi, ay aheyd in dacwadoodi ay qaado Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, hasa ahaatee buu yiri aanay habooneen in loo gudbiyo Maxkamadda ciqaabta.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) ayaa sheegay in uu si weyn uga xumaaday xukunka lagu ridey madaxda xisbiga Qaran, iyadoo arrinta xisbiga Qaran ay dhexdhexaadinteeda wadeen rag odayaal ah oo ku sugan Somaliland.
Dawladda ayuu sheegay in ay tallaabadani dhibaato u keeni doonto, gaar ahaan xilliyada doorashada iyo weliba hannaanka xisbiyada badan ee ka jira maamulka Somaliland.
Jaamac Deberaani
SBC Boosaaso