Xiisad ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, taasi oo ka dhalatey ka dib markii magaaladaasi uu tagey xubin ka tirsan xubnaha la baxay baarlamaanka xorta ah ee ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eritrea.
C/qaadir Xaaji Dhaqane oo ka mid ah xubnihii goor sii horeysay ay xilkii xildhibaanada isaga iyo xubno kale ay xubnaba baarlamanka ee magaalada Baydbabo ku sugan, isla markaana ka mid ah xubnaha la baxay baarlamanka xorta ah aayaa tobaadkan wuxuu gaarey degmada Bu’aale oo uu ka soo jeedo, waxaana uu sheegay in uu halkaasi u tagey waa sida hadalka uu u yiriy’e in Cuqaashada iyo duqeyda dhaqanka ee deegaankaasi uu ka dhaadhiciyo ama uu sharaxo shirka la filayo dhawaan in wadanka Eritra ay ku yeesheen xubnaha la baxay baarlamanka xorta iyo madaxdii golihii maxaakiimta Islaamiga, shirkaasi oo uu sheegay in uu noqonayo mid looga hadlayo marxaladaha xiligan ka taagan wadanka.
Guddoomiyaha degmada Bu'aale Prof.Ibraahim Xasan Nooleeye ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan joogitaanka uu degmada joogo C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane isla markaana ay ka masaafurinayaan degmada Bu’aale, hadii aanu si deg deg ah uga bixin degmada, waxaana uu Gudoomiyuhu uu sheegay in degmada aan laga ogelyn in uu ku sugnaado qof mucaarad ku ah dawlada federaalka KMG ah.
Laakin warar SBC ay ka heshay dad ku sugan degamda Bu’aale waxay sheegeen in C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane uu ka dhaga adeygay warka soo yeeray gudoomiyaha degmada isla markaana uu urursadey ciidamo beeleed taabacsan.
Maamulka degmada Bu’aale ayaa carabka ku dhuftay in ay si awood ah ugu saari doonaan hadii uu diido C/qaadir Dhaqane inuu ka baxo magaalada iyadoo arintan uu sheegay Guddoomiyaha in ay ka wada hadleen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka si ay ugu kala dhexgalaan xiisadan ka dhalatey safarka degmada uu ku yimid C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane.
SBC News Desk