Duqa degmada Beledweyne, Axmed Cawaale ayaa shaaka ka qaaday in ay isu diyaarinayaan soo dhoweynta maamulka cusub ee dawladda federaalka Soomaaliya ay ku soo magacawday gobolka Hiiraan.
Duqa degmada Beledweyne ayaa magacaabista guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed ku tilmaamay mid uu go'aansaday maamulka dalka ka jira iyadoo lala tashaday dadka deegaanka, sidaas darteedna ay maamul ahaan soo dhoweynayaan guddoomiyaha cusub ee gobolkaas dhowaan loo magacaabay.
Waxaa uu sheegay in uu wada hadal la yeeshay maamulkii hore uuna kula taliyey in wixii khilaaf ah lagu dhammeeyo wada hadal nabadeed.
Sucaad Mire
SBC Boosaaso