Hay’ada Dhakhaatiirta aan Xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay inay aad uga murgootay dil magaalada Beledweyne loogu geystay Ibraahim Cabdi Ciise oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’ada MSF.
Marxuumka waxaa la dilay 9-kii bishan mar uu ka soo baxay goobtiisa shaqada.
MSF waxay dalka Soomaaliya ka hawlgelsay tan iyo 1991-kii waxayna tibaaxday in dilka loo geystay Ibraahim Cabdi Ciise uusan waxba u dhimi doonin hawlaha samafalka ah ee ay MSF u hayso shacabka Soomaaliyeed, maadama ayay tiri dilka sarkaalka loo geystay uusan ku saleysneyn shaqadiisa balse uu ka dhashay muran shakhsi ah.
MSF waxay sheegtay in murugta ay la wadaageyso qoyska iyo saaxiibada Marxuumka.
MSF waxay ka hawlgashaa gobollo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan.
Aamino Ladan
SBC News