Dadka ku dhaqan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa cabasho xoogan ka muujinaya dhacdooyin kala duwan oo ku aadan kooxo halkaasi xiliyada habeenkii ah soo gala islamarkaana fura rasaas aan la ogeyn ujeedadeeda.
Waxaa sidoo kale ay dadka reer Hobyo ay sheegeen in kooxahan oo ay ku sheegeen in ay yihiin Buracad badeeda ay halkaasi la yimaadaan xashiis iyo waxyaabaha Maanka dooriya iyagoo aan is ogeyna ay rasaas iyo jabaqyo kale ay ku sameeyaan degmada .
Mid ka mid ah Dadka deegaankaas oo la hadlay Warqabadka SBC International ee Gaalkacyo ayaa sheegay in tani ay tahay mid ay siweyn uga cabanayaan ayna ku hayaan dhibaato xoogleh oo dhinac kasto ah
Waxa uu soo qaatay Maxamed Jaamac oo ah isagu qof degen Deegaanka Hobyo in xiliyada habeenkii ah ay dhacaan dhimaatooyinka ay geystaan kooxahaasi isagoo sheegay in aadan ka seexan Karin rasaasta iyo jabaqda ka bexeysa, islamarkaana ay ugu darantahay xiliyada Salaadaha subax iyo Cishaha oo hadii aad damacdo in aad salaada tagto aad ka baqeysid in ay Qatar geliyaan naftaada, maadaama ay qabaan feejignaan ku aadan tuhun in iyaga aad weerar ku tahay”.
Waxaa uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee ku howlan Amaanka Maamulka Galmudug in ay wax ka qabtaan arintan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana uu dhankooda u sheegay kooxaha iyagu dhibaatooyinkaasi geysanaya in ay ka daayaan shacabka.
Si kastaba ha ahaatee waxa ay ku soo aadayaan cabashooyinkan ka soo baxaya dadka reer hobyo ka dib markii mudooyinkii dambe uu halkaasi ku xirnaa maraakiib la soo qafaashay oo ay burcad badeedu ka soo qafaasheen badaha caalamiga ah kuwaas oo ay halkaasi ku heystaan.
Liibaan Korea
SBC International Koonfurta Gaalkacyo