Masuuliyiinta ugu sarsareysa Maamulka Maraykanka ayaa booqnayan Ciraaq xili dhowaan ay qorshaynayaan in ay ciidamadooda kala soo baxaan wadankaasi,waxaana inta badan ay diirada saarayaan dhinacyada wada hadlaya qaababka ugu wanaagsan ee uu ku xalismi karo Amaanka Ciraaq kadib ka bixitaankooda wadankaasi.
Taliyaha Ugu sareeya Ciidamada Maraykanka Admiral Mike Mulan ayaa kadib booqashadii madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden waxaa uu kala hadlayaa madaxda wadankaasi adkaynta Amaanka,iyadoona dhowaan dhamaadka Bisha August la filayo Maraykanko in uu tirooyin kamid ah ciidamadiisa uu wadankaasi kala baxo.
Qaraxyada iyo weerarada oo ahaa kuwo waayadii dambe soo yaraanayay ayaa baryihii aynu soo dhaafnay u muuqday kuwo kusoo laba kaclaynaya wadankaasi,waxaana tiro kamid ah qaraxyadaasi ay waxyeelo kasoo gaartay rayid badan oo u dhashay wadankaasi.
Dowlada Ciraaq ee aan ilaa iyo hada lagu kala bixin kadib doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ayaan u muuqan mid iska caabin karta weeraro uga yimaada kooxaha ka dagaalama wadankaasi.
Ciidamo badan oo ajaanib ah ayaa ku sugan gudaha Ciraaq,waxaana tan iyo duulaankoodii ay wadankaasi kusoo qaadeen 2002 aanay jirin Amaan lagu diirsan karo oo ay wadankaasi kusoo dabaaleen kadib riditaankoodii madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen.
Masuuliyiinta ugu sarsareysa Dowlada Ciraaq ayaa ka dalbaday Maryakanka in ay hoos u dhigaan tirada ciidamada Maraykanka ee dhowaan laga saarayo wadankaasi,waxaana Admiral Mike Mulan uu sheegay in ay aqbalen dalabkaasi,waxaana uu raaciyay oo uu kaga dalbaday madaxda wadankaasi in ay mudo sadex sano gudeheed ay ku adkeeyaan Amaanka wadankaas.
Maxamuud Cali Jaamac
SBC International- Boosaaso