Wasiirka garsoorka mareykanka ninka lagu magacaabo Eric Holder ayaa ugu baaqay dowladda Masar in ay awood u yeelato qabashada doorashooyin hufan .
Mr Holder oo shir jaraa’id ku qabtay safaaradda mareykanka ee dalka Masar ayaa sheegay in dowladda mareykanka ay danaanayso in dalka Masar ay ka dhacaan doorashooyin xor ah oo ay ka qeyb galaan axsaabta mucaaradka dalka Masar.
Wasiirku waxa uu ku gacan seeray in uu ka jawaabo su’aal ahayd wax kabadalida dustuurka dalka Masar si logu ogolaado koxaha madaxa banana sida maxed Al-baraadici oo kale in uu isu soo taago doorashooyinka la filayo in ay kadhcaan dalka Masar.
Dhanka kale wasiirku waxa uu kulamo la qaatay wasiirada arrimaha gudaha iyo garsoorka iyo qaar kamid ah ururada xuquuqul insaanka dalka Masar.
Wasiirku waxa uu sheegay in uu kula hadlay dhigiisa dalka Masar dhacdadii booliska Masar ay u geysteen Wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabo Khaalid Siciid kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii ay gaarsiiyeen Booliska.
Ururada ka shaqeeya xuquuqda Aadanaha ayaa cambaareey falkii ay ciidamada Masar ku dileen Khaalid Siciid,waxaana ay ku tilmaameen mid ay Dowlada Masar ku cadaynayso in ay tahay weli mid aan u bislayn qaadashada Dimuqraadiyada
Wasiirku waxa uu sheegay in uu filayo in baaritaan guud lagu smeen doono dilka Khaalid islamrkaana lala xisaabtami doono dadka mas’uulka ka ahaa dhacdadaas.
Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring