Arooskii ugu qarash gareynta badnaa dunida ayaa la filayaa in maalinta sabtida uu ka dhaco wadanka Mareykanka, kaasi oo ay is guursanayaan gabadha kaliya ee ay dhaleen Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo xaaskiisa Hillary Clinton oo hada ah xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka iyo Marc Mezvinsky oo ah wiil ay iska dhaleen siyaasiyiin soo marey dalka Mareykanka.
Arooskan oo ka dhici doona magaalada New York waxaa ku bixi doonta lacag gaaraysa 7 milyan oo doolar waxaana uu ka qarash badnaan doonaa arooskii actor-ka Hollywood-ka ka tirsan ee filimada jila Tom Cruise iyo xaaskiisa Katie Holmes kaasi oo ay ku baxdey lacag ku dhaw 2 milyan oo doolar.
Sidoo kale arooska gabadha Clinton wuxuu ka qarash badnaan doonaa arooskii gabadha heesaaga ah ee reer Mareykan isla markaana jilaaga ah Liza Minnelli, iyadoo ay isguursadeen David Gest waxaana arooskaasi ku baxdey lacag ku dhaw 3 milyan oo doolar.
Xaflada arooska gabadha Clinton waxaa lagu dhigi doonaa guri weyn oo uu lahaa maalqabeenkii la oran jirey John Jacob Astor IV, gurigaasi oo ku yaal deegaanka Rhinebeck ee magaalada New York .
Arooska waxaa ka soo qayb gali doona 500 oo qof waxaana la qorsheeyey in qof kasta ay ku baxdo lacag gaaraysa 12 kun oo doolarka Mareykanka ah.
Qarashka kale ee ku baxaya arooska, dharka Chelsea Clinton, dheemanka, toortaha iyo ubaxyada ayaa la shaaciyey, iyadoo la sheegay in Toortaha Cake-ga uu ka kacayo lacag dhan 13 kun oo doolar, halka 500 kun oo doolar ay ku baxayso ubaxyada xaflada arooska loo isticmaali doono.
500 kun oo doolar waxaa ku kacaysa dhismaha Teendho laga dhisi doono barxada deegaanka xaflada aroosku ka dhici doonto, iyadoo teendhadaasi ay noqonayso meesha lagu qabanayo xaflada arooska.
Lacag gaaraysa 120 kun oo doolar ayaa waxay ku baxaysaa kuraasta ay ku fariisanayaan martida, halka ilaalada amaanka iyo xasiloonida arooska ay ku baxayso 200 kun oo doolar.
Dharka ay habeenkaasi ku labisan doonto gabadha Clinton arooskeeda waxaa lagu sheegay in uu noqon doono mid uun dharka ay sameeyaan Oscar de la Renta ama Vera Wang, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in cambuurka aroosku uu ku kici doonto 220 kun oo doolar.
Fariintayada arooska ee farta labaad gacanta bidix ay isku galin doonaa Chelsea Clinton iyo Marc Mezvinsky waxaa lagu sheegay lacagtooda in kiiba uu joogo 6 kun oo doolar, iyadoo 500 kun oo doolar ay ku bixi doonto socdaalka ama gaadiidka lagu daabulayo martida ka qayb galaysa xaflada arooska.
Cabista khamriga, biirka iyo sharaabka kale ee xaflada arooska lagu jajabin doono ayaa lagu sheegay inay ku baxayso 120 kun oo doolar.
Goobta xaflada aroosku ka dhacayso ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyey musqulaha guur guura kuwaasi oo loogu tala galay inay adeegsadaan ka qayb galayaasha xaflada, iyadoo qalabka suuliyada ee biyo raacinta ay ku rakiban yihiin dhawaaqyo music oo loogu tala galay in ay soo jiitaan dhagaha adeegsadaha musqusha.
 |
|
Chelsea Clinton & Marc Mezvinsk |