Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Ma la socotaa jeermiska ka halista badan musqulaha ee uu telefoonkaagu gacanta xambaarsan yahay ?

Way qurux badan yihiin, waa muhiim laakiin way dhici kartaa inaad biyo ku dhex tuurto oo aad dhaqdo mobile-kaaga marka laguu sheego in teleefonada Mobile-ka ee gacanta ay ka jeermis badan yihiin musqulaha, sidaasi waxaa lagu bilaabay daraasad cusub oo dhanka caafimaadka ah oo soo baxdey.

Daraasadan oo laga soo saarey wadanka Britain ayaa lagu ogaadey in 18 jeer ay ka jeermis badan yihiin telefoonada gacanta (Mobile) musqulaha la isticmaalo gaar ahaan qalabka loo yaqaan (flush handle) ee biyo raacinta godka musqusha la isticmaalo oo inta badan gacmaha lagu qabto xiliyada biyaha lagu furayo godadka musqulaha.

Jim Francis oo ah qabiir ku xeel dheer arimaha saxada caafimaadka ayaa sheegay in telefoonada gacanta Mobile-du ay ka usgag badan yihiin qalabka musqulaha ku rikaban, isagoo sheegay in laga helay bacteriyada loo yaqaan TVC.

Baaritaan lagu sameeyey oogada sare ee tiro ka mid ah mobile-da ayaa mid ka mid ah waxaa laga helay jeermis qatar ah oo qofka iska leh u keeni kara halis caafimaad oo dhanka caloosha ah, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay gacmaha lagu qabto teleefonada mobile-da.

Noocyada jeermiska ay gacmuhu ku reebeen teleefonada gacanta (Mobile) ayaa qaarkood la sheegay inay la mid yihiin jeermiska baranbarada ay sido oo kale.

14.7 milyan oo ka mid ah mobile-da 63-da milyan ee laga isticmaalo wadanka UK ayaa daraasadu ku sheegtey inay xambaarsan yihiin noocyo jeermis qatar ah oo dhibaato ku keeni kara qofka iska leh mobile-kaasi, iyadoo talo lagu siiyey dadka inay u adeegsadaan qalabka nadaafada gacmaha teleefonada mobile-ka, isla markaana loo baahan yahay in si fudud oo qalalan loo nadiifiyo had iyo goor oogada sare, botamada iyo meelaha codka laga dhageysto ee teleefonada gacanta ama mobile-ka.

Cilmibaare Ceri Stanaway ayaa isna sheegay in inta badan teleefonada gacanta aanay si deg deg ah qofka ugu keeneen dhibaato caafimaad oo ka dhalata jeermiska balse ay si tartartiib ah ay bacteria-yadu ugu faafayso jirka qofka bini’aadamka ah.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Sep 07 Boqorka Urdun iyo madaxweynaha Syria oo ka wada hadlaya xaalada Isreal falastiinyiinta.
Sep 07 Ruushka oo heshiisyo ganacsi oo dhinaca hubka ah la galaya Isreal
Sep 07 Maraykanka oo ka walaacsan warbixinada ay IAEA kasoo saarayso Nuclear-ka Iiraan.
Sep 06 Natiijada dhamaanta Tartankii Xaafadaha Israac Gaalkacyo & Goljano Waciye
Sep 06 Natiijada Dhamaadka Tartankii Cuslaa ee Dhexmaday Laanta Hawada & Xorgoble
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2010   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software