Mas’uul katirsan ergada QM iyo midowga Africa ee kusugan gobolka Daarfuur ayaa beeniyey warar-ka sheegaya in kooxaha ka dagaalama gobolka Daarfuur ay qabsadeen helicopter dowladda ruush-ku leedahay .
Afhayeenka ergada QM iyo AU ninka lagu magacaabo Kamaal Saayki oo la hadlayey wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in warbixinnada sheegay in diyaarad helicopter ah ay gacanta ugacan gashay kooxaha falaagada ay yihiin wax aan jirin.
Afhayee-ku waxa uu tilmaamay in diyaaradu ay ku qasbanayd in ay caga dhigato meel loogu talagalay, balse jawiga oo xun awgiis lagana baqay in diyaaradu buburto ay shaqaalaha diyaaradu ay doorteen in diyaaradu ay caga dhigato goob kale.
Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in ciidamada nabadgelyada sudan aysan horey ula socon in diyaaradu ay caga dhigan doonto goobtaas, sidaas darteedna xiriir la sameeyeen madaxda si ay ugu cadeeyaan xaaladda jirta.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Russia ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in helicopter ruush-ku leeyahay oo ay saarnaayeen shan rikaab suudaaniyiin ah iyo afar qof oo shaqalaha diyaarada ah ay ugacan gashay kooxaha falaagada ka dagaalama gbolka Daarfuur ee dalka Sudan.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalaha diyaaradda la waayey.
SBC International- News Desk