Xoghayaha guud ee jaamacadda carabta camar Muusa ayaa ku baaqay shir deg deh ay yeeshaan wasiiro ka socda dalalka carabta iyo midowga Africa , ururka IGAD, QM, Midowga Yurub iyo ururka shirweynaha islaamka si loo taageero dowladda KMG soomaaliya si loo soo afjaro mushkilada soomaaliya.
Muusaa waxa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in beesha caalamka ay taageero u fidiso ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda midowga Africa kuwaasi oo ilaalinaya ayuu yiri hay’aadka xukuumadda.
Camar Muusaa waxa uu tilmaamay in jaamacadda carabta ay ku garab taagan tahay midowga Africa xalinta mushaakilada soomaaliya iyo joogitaanka ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed oo suga amaanka xarumaha dowladda iyo halbwlayaasha dhaqaalaha dalka soomaaliya ee burbursan.
Dhanka kale camar muusa waxa uu ka codsaday dalalka African-ka in ay ka codsadaan Israel in ay ku soo biirto heshiiskii lagu mamnuucayey faafitaanka hubka sida aadka ah wax u gumaada ee Nuclear-ka.
Camar muusa waxa uu ugu baaqay madaxda African-ka in ay mowqif midaysan ka qaataan arrinta dalka Sudan islamarkaana ay garab istaagaan midnimada iyo madax banaanida dalka Sudan .
UStaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring