Afhayeenka rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda france ninka lagu magacaabo Burner Valero ayaa sheegay in xukuumadda France ay u aragto go’aanka midowa Africa ee ciiidamo dheeraad ah loogu dirayo soomaaliya mid ka qeyb qaadanaya la dagaalanka waxa uu ugu yeeray dhaqdhaqaaqyada islaamiga ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada midowga Africa iyo jiritaanka xukuumadda KMG soomaaliya.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "France waxa ay ka dalbanaysaa midwga Africa xoojinta howlaha ciidamada Amisom eek u sugan Somalia kuwaas oo ka haya dalka soomaaliya howlo muhiim ah tan iyo 2007".
Valero waxa uu sheegay in dowladda Faransiiska ay taageersan tahay howsha ciidamada midowga Africa ee soomaaliya islamarkaana dowladda Faransiisku ay tababar u fidisay 5000 oo askari oo kakala socda dalalka Uganda iyo Burundi .
Afhayeenku waxa uu carabaabay in dowladda France ay marar badan ugu deegday ciidamada Amisom ee Soomaaliya ku sugan boqolaal Milyan oo lacagta Yuuraha loo yaqaan ah.
SBC International- Monitoring