Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Mareykanka & Norway oo taageero dhaqaale u fidinaya Dowladda KMG Somaliya

Gudoomiyaha Golaha Amaanka ee midowga Africa Ninka lagu magacaabo Ramadaan Al-camaara oo Saxaafada kula hadley magaalada Kampala ayaa sheegay in dowladaha mareykanka iyo Norway ay balan qaadeen in dhaqaale siinayaan xukuumada midnimada Qaran ee Soomaaliya, si wax looga qabto dhinacyada dib u dhiska ciidamada, xarumaha dowladda .

Hadalka mas’uulka u qaabilsan midowga Africa dhanka amaanka ayaa yimid kadib markii ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ay kulan ku yeesheen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda madaxweynaha DKMG soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Johnnie Carson .

Mr Al-camaara ayaa tilmaamay in uu soo dhoweenayo in dowladaha deeqda bixiyo ay taageerada ay u fidnayaan xukuumadda KMG soomaaliya ay noqoto mid si toos ah loogu gacan geliyo dowladda.

Balanqaadyada dowladaha mareykanka iyo Norway u fidiyeen dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn qaabka ay ku bixin doonaan, hase yeeshee kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda mareykanka u qaabilsan arrimaha Africa waxa uu sheegay in taageeradaasi ay u badnaaneyso mid dhaqaale.

Shir madaxeedkii magaalada Kampala uga socdey hogaamiyeyaasha wadamada midowga Africa ayaa waxaa la filayaa in manta la soo gabagabeeyo iyadoo lafilayo in laga soo saaro baaq ku aadan arimaha Soomaaliya.

Kulan madaxeedkan oo ahaa kii 15-aad oo ay isugu yimaadaan madaxda qaaradda Africa ayaa waxaa ka maqnaa madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak iyo madaxweynaha dalka Eritrea Asayaas Afawarki .

Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Sep 07 Boqorka Urdun iyo madaxweynaha Syria oo ka wada hadlaya xaalada Isreal falastiinyiinta.
Sep 07 Ruushka oo heshiisyo ganacsi oo dhinaca hubka ah la galaya Isreal
Sep 07 Maraykanka oo ka walaacsan warbixinada ay IAEA kasoo saarayso Nuclear-ka Iiraan.
Sep 06 Natiijada dhamaanta Tartankii Xaafadaha Israac Gaalkacyo & Goljano Waciye
Sep 06 Natiijada Dhamaadka Tartankii Cuslaa ee Dhexmaday Laanta Hawada & Xorgoble
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2010   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software