Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dalka mareykanka ee arrimaha Africa ninka lagu magacaabo Johnnie Carson Hadal uu ka jeediyay shir-madaxeedka waddamada Midowga Africa, wuxuu sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama xarakada Al-Shabaab Al-mujaahidiin oo doonayo inay ridaan dawladda KMG ah.
Mr Carson waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda mareykanka ay taageersan tahay in ciidamo dheeraad ah la keeno dalka Somalia islamarkaana ay u fidin doonto xukuumadiisu ciidamadaas mid lamid ah taageerada ay u fidiso hadda ciidamada qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Uganda iyo Burundi ka socda ee ku sugan magaalada Mogadisho.
Mar uu ka hadlayey xaaladda soomaaliya waxa uu tilmaamay in soomaaliya ay noqotay meel ay ka soo baxaan waxa uu ugu yeeray argagaxisada gobolka geeska Africa, islamarkaana waxa ay noqotay ayuu yiri meel ay ku firfircoon yihiin dagaal yahanada ajaanibta ah waa suu hadalka u yiriyee.
Inkastoo Mr Carson uusan soo hadal qaadin aragtida dowladda mareykanka ee ku aadan in ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Mogadishu ay ladagaalamaan xoogaga ka soo horjeeda jogitaanka ciidamada Amisom hadana waxaa jira walaac ay muujinayaan qaar kamid ah dowladaha ay xulafada yihiin dowladda mareykanka oo ku aadan in ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa laga dhigo kuwa nabad keenayaal , waxaana kamid ah dowlada Britain.
Dhanka kale ergayga cusub ee QM ee dalka cusub ee lagu magacaabo Ojistiin Mahiiga oo kulan kula qaatay magaalada Kampala madaxweyanaha dowladda KMG soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo in ciidmada nabad ilaalinta ee kusugan magaalada Mogadishu kuwa la dagaalama xarakada shabaab Al-mujaahidiin.