Waxaa inta la ogyahay ku dhintay in ka badan 20 qof,iyadoona kumanaan kale soo gaartay khasaare kadib markii ay guryahoodii ku babe een duufaano xoogan oo ka dhacay wadanka Kazakhstan ee bartamaha qaarada Asia.
Duufaanadan oo ku dhuftay deegaanada koonfureed ee Kazakhstan ayaa ahaa kuwo dabaylo iyo biyo xoogan watay,iyadoona roobabka duufaanadaasi ay khasaare xoogan u geysteen dadka degen deegaanada koonfurta Kazakhstan oo u badan buura ciideed kuwaas oo soo dumay xirayna wadooyinkii ay deegaanadaasi gargaarka uga gudbi lahaayeen.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha Kazakhstan ayaa sheegay in ay sii kordhayaan tirade dadka maydadka ah ee ay ay duufaanada guryahooda ku dumiyeen.
Waxaa deegaanada khasaaraha xoogan uu soo gaaray ee Kazakhistan kamid ah magaalada dhaqaalaha ee wadankaasi oo lagu magacaabo Almata,iyadoona inta badan ay burbureen dhamaan goobihii caanka ku ahaa soo saarka ee wadankaasi.
Gobolo kale oo ka tirsan Kazakhstan ayaa la sheegay in ay iyaguna hareeyeen baraf xoogan oo sida roobka ugu soo da ayay,iyadoona ay dowlada wadankaasi haatan sheegtay in ay roobabka barfaka ee waqooyiga ay suurta gal tahay in ay biyo duufaaneed isku badalaan iyadoo wadankaasi uu leeyahay degaano taag ah oo isku soo celinya biya dhigeenada roobka.
Khaalid Cayuuni
SBC International- News Desk