Waxaa maxkamad ku taala wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa ay min 20-sano ah oo xarig ah ay ku xukuntay Burcad badeed Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay falal afduub geysan lahaayeen,iyadoona ay ciidamada shisheeye ee xeebaha Soomaaliya la dagaalanka Burcad badeeda u jooga ay kusoo wareejiyeen dowlada Kenya kadib markii ay soo qabteen.
Xeer ilaalinta maxkamada la saaray Burcad badeeda ayaa kusoo oogay raga la xukumay weeraro Burcad badeednimo,iyadoona maraakiibta ay weerarayeen xiligii lasoo qabtay ay u adeegsadeen garnaylo iyo hub calculus.
Burcad badeeda lagu xukumay 20-ka sano ee xariga ah ayaa lagu sheegay magacyadooda Aid Mohamed Ahmed, Abdinasir Mohamed Said, Amin Osman Said, Ahmed Mohamed Omar, Feysal Ahmed Farah, Yusuf Said Yusuf, Hussein Mohamud Ismail and Abdi Hamud Kassim.
Xukunka Burcad badeeda ayaa la filayaa in loo gudbiyo maxkamada sare ee Kenya kadib markii la sheegay in ay khaladaad dhinaca xukunka ah ay ka dheceen gudaha maxkamada xiligii la xukumayay raga lagu eedeeyay Burcad badeednimada.
Ma aha markii ugu horaysay oo Burcad badeed Soomaali ah lagu xukumo gudaha Kenya,iyadoona ay jiraan Burcad badeed badan oo ku xiran gudaha xabsiyada Kenya kadib markii ay ciidamada shisheeye ee la dagaalanka Burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya gacanta kusoo dhigeen xili ay weeraro Burcad badeednimo ka fulinayeen badaha ku dhow Soomaaliya.
Xuseen Xuska
SBC International