Sida lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey ayaa lagu xaqiijiyey in dhibaatada dhaqaale ee dunida la soo daristey mudooyinkii ugu dambeeyey ay keentey in kumanan qof ay shaqooyinkoodii waayaan, waxaase lagu xusey daraasada in ay kala badan yihiin ragga & dumarka shaqooyinkoodii waayey.
Daraasadan oo la soo saarey maalinimadii Jimcada kana soo baxdey magaaalda New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ragga shaqooyinkoodii waayey ay ka badan yihiin haweenka shaqo la’aantu ku habsatey.
Daraasadan oo la qaaday intii u dhaxeysay bishii November ee sanadkii hore ilaa iyo bishii February ee sanadkan waxaa lagu xusey in 95% dadka shaqooyinkooda waayey wadanka Hindiya ay yihiin ragga, halka Faransiiska ay ka noqdeen 71%.
Wadamada Australia, Canada, Germany, Mexico and South Africa, Spain, Switzerland, United Kingdom iyo United States waxaa la sheegay in 54% dadka shaqooyinkoodii lumiyey ay yihiin ragg halka haweenku ay noqdeen 46%.
Laakiin wadanka Netherlands ayaa noqdey wadanka kaliya ee haweenka shaqooyinkoodii waayey ay ka bateen ragga, taasi oo gaartey 51%.
Wadanka Shiinaha ayaa isagu noqdey wadan ay siman yihiin 50% ragga iyo dumarka shaqayooyinkoodii waayey, shaqaala la’aantu hareysay
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@googlemail.com