Burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta xeebaha gacanka cadmeed iyo badweynta India ayaa shaaciyay in ay siidaayeen Markabka ku gooshayay calanka wadanka Panama kaas oo ay Burcad badeedu dhowaanahan ku haysteen xeebaha Soomaaliya.
Markabkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa loo malaynayaa in uu yahay MV Al khaliq oo ay Burcad badeedu Octobar-tii aanu soo dhaafnay ay ka qabsadeen galbeedka jasiirada Seycheles.
Burcad badeed magaciisa kusoo gaabiyay Hassan ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ka qaateen Markabkaasi lacag madax furasho ah oo kor u dhaafaysa 3.1 Million oo doolar,waxaana uu sheegay in siidaayeen Markabkaasi.
Markabka MV khaliq oo ay Burcad badeedu bishii Octobar ee sanadii 2009 ka qabsadeen xeebaha galbeed ee Jasiirada Seycheles ayaa waxaa wakhtigii ay qafaalanyeen la socday 26 shaqaala ah oo u kala dhashay wadamada India iyo Burma.
Markabka MV Khaliq tan iyo inta ay BUrcad badeedu afdeebteen waxaa uu wadahadl usocday Burcad badeeda iyo shirkada leh Markabkaasi,waana tan keentay sida ay ilo xoog ogaal ah sheegayaan in ugu dambayn Burcad badeedu qaataan lacag Madax furasho ah oo 3 Million kor u dhaafaysa.
Saraakiil ka tirsan ciidamada bada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in hadii ay sii socoto lacagta Madax furashada ah ee ay Burcad badeedu helayanan ay adkaandoonta sidii si sahal ah loosoo afjari lahaa Burcad badeeda.
Burcad badeedu waxaa ay sanadii aynu soo dhaafnay ay ka heleen tirada Maraakiibta ay Madax furashada ka qaateen lacag 200 Million oo doolar kor u dhaafaysa waana tan keentay in ay sii kordhaan sanada cusub weerarada iyo afduubka Maraakiibta iyo doonyaha gooshaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.
Xuseen Xuska
International- Monitoring