Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Franco Faratini ayaa ka hor sheegay fadhi ay golaha odyaasha Talyaanigu ay ku lahaayeen Maalinimadii shalay caasimada Talyaaniga ee Roma in ay kooxo boqolaal gaaraya oo Iiraaniyiin ah ay weerareen Safaarada ay Talyaanigu ku leeyihiin xarunta wadanka Iiraan ee Tehran.
Waxaa uu wasiirku sheegay in ay mudaaharadayaashu ku dhawaaqayeen dhimashada Madaxweynaha Talyaaniga Silvio Burlasconi iyo dowladiisa,waxaana ay ciidamada booliska caasimada Dhraan ay kala cayriyeen mudaaharadayaasha kadib markii ay isku dayeen in ay xoog ku galaan safaarada.
Wakaalada wararka AFB ayaa kasoo xigatay sarkaal talyaani ah oo ku sugan safaarada in ay mudaaharadaashu la dhaceen safaarada ka hor inta aanay boolisku imaan.
Mudaaharadayaasha ayaa sida la sheegay ka xumaa booqashadii uu dhowaan Raysal wasaare Silvio Burlasconi ku tagay qudus isaga oo u hambalyeeyay shacabka Isreal soo dhoweyntii uu kala kulmay.
Faratini waxaa uu sheegay in uu raysal wasaaruhu kala hadlay Isrel in aanu taageersanayn awood u sheegasho iyo dagaal lagu qaado Iiraan taas oo badalkeeda uu dalbaday in ay Israel dajiso siyaasadeeda ku aadan Iiraan.
Dowlada Talyaaniga oo aan horay wax colaad ah ugala dhexeeyn Iiraan ayaa waxaa ay mudaaharaadyadaasi ku tilmaameen in ay dhigeen kooxo wax magarad ah oo xumaynaya siyaasadooda wadankaasi Iiraan.
Xuseen Xuska
SBC International- Monitoring