Tirade ciidamada Britain kaga dhimatay wadanka Afganistan ayaa sii korortay kadib maalinimadii shalay oo labo ka tirsan huwanta ciidamadaasi ay ku dhinteen qarax lagula beegsaday gobolka Helmand ee koonfurta Afganistan.
Tirade ciidamada Britain kaga dhimatay wadanka Afganistan tan iyo intii ay wadankaasi ku duuleen sanadii 2001 ayaa waxaa ay hada gaarayaan in kabadan 256 askari,waxaana siday sheegayaan ila xog ogaal ah oo ka tirsan dowlada Britain ay ka badan yihiin ciidamadii Britain kaga dhimatay dagaalkii Folkland ee sanadii 1982 Britain ay kula gashay Argentine,taas oo markii dambe ay ciidamada Britain gacanta ku dhigeen.
Labada Askari ee Britain lagaga dilay Afganistan ayaa waxaa uu mudo 24 saac ah ka dhigayaan Askarta British-ka ah eek u dhimtay wadankaas 3 Askari,waxaana ay dhimashadoodu timi xili ay Daalibaaniyiinta Afganisatn ay weeraro isdaba joog ah ay ku qaadayaan ciidamada shisheeye ee wadankaasi.
Gudaha Afganistan oo ay dhowaanahan ka soconayeen wadahadalo ay dowlada Xaamid Karzai kula jirtay qaar ka tirsan Daalibaaniyiinta Afganistan kuwaas oo ay ugu yeereen qunyar socod ayaa waxaa ay weeraradan ay ciidamada British-ka ku dhinteen ay muujinayaan isku xirnaanta weli ka dhexeysa Daalibaaniyiinta iyo Al qacidada wadankaasi.
Dowlada Britain waxaa ay horay u shaacisay in ay amaanka wadankaasi ku wareejinayso sanada 2011 dowlada Xaamid Karzai taas oo ay dowlada Kapul haatan ugu gogol xaarayso sidii ay u hanan lahayd amaanka gobolada wadankeeda oo haatan qaarkood ay ku xoogan yihiin Daalibaaniyiinta wadankaasi.
Xuseen Xuska
SBC International- Monitoring