Afhayeenka guddiga qaabilsan baaritaanka dagaalkii dagaalkii lagu qabsaday dalka ciraaq ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Britain Gordon Brown uu hor iman doono guddiga bisha march ee soo socota.
Brown oo ahaa wasiirka maaliaydda Britain xilligii ciidamada Britain iyo mareykanka ay qabsadeen dalka ciraaq ayaa la filayaa in uu horymaadu guddiga si wax looga weydiiyo aragtidiisa gelitaanka dalka ciraaq, taasi oo ku soo beegmaysa todobaad kadib markii uu ra’iisal wasaarihii xilligaas Tony Blair oo wax laga weydiiyey dagaalkii lagu qaaday dalka ciraaq sanaddii 2003.
Madaxa hay’adda baaritaanka dagaalkii ciraaq ninka lagu magacaabo John Schulte ayaa horey u sheegay in uusan wax ka weydiin doonin ra’iisal wasaaraha Britain ee xilligan inta ka horeysa bisha june xilligaas oo la filayo in Britain ay kadhacdo doorashooyin guud si looga fogaado in guddiga uu saameen ku yeesho doorashadaas.
Ilo xog ogaal ah ayaa ku waramay in sababta keentay ra’iisal wasaare Brown in uu soo hor istaago guddiga baaritaanka dagaalka ciraaq in ay tahay kadib cadaadis xoog leh oo kaga yimid axsaabta mucaaraka.
Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring