Burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta xeebaha gacanka cadmeed iyo badweynta India ayaa shaaciyay in ay saacadaha soo socda sii daynayaan Markabka ku gooshayay calanka wadanka Panama kaas oo ay Burcad badeedu dhowaanahan ku haysteen xeebaha Soomaaliya.
Markabkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa loo malaynayaa in uu yahay MV Al khaliq oo ay Burcad badeedu Octobar-tii aanu soo dhaafnay ay ka qabsadeen galbeedka jasiirada Seycheles.
Burcad badeed magaciisa kusoo gaabiyay Hassan ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ka qaateen Markabkaasi lacag madax furasho ah oo kor u dhaafaysa 3.1 Million oo doolar,waxaana uu sheegay in ay saacadaha soo socda sii dayn doonaan Markabkaasi.
Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.