Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Magaalada Caasimada ah ee Puntland waxaa uu ku magacaabay gudoomiyaha Degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
C/laahi Faarax Beyle ayaa uu madaxweyne ku xigeenka u magacaabay Gudoomiyaha Dagmadaasi Xarfo waxana uu madaxweynugu ufiiriyay Magacaabistani Dastuurka u dhigan Maamulka Dowlada Puntland iyo latashi uu la sameeyay masuuliyiinta Wasaarada dowladaha hoose iyo sidoo kale markii fiiriyay Baahida looqabo masuul loo magacaabo degmada Xarfo.
Sidoo kale wareegtada madaxweyne ku xigeenka waxaa ku cadeyd in degmada xarfo ay tahay degmo ka tirsan Dowlada Puntland islamarkaana goordhow lagu soodaray iminkana ay ka mid noqoneyso degmooyinka maamulka ka jiro ee Puntland.
Waxayna tani noqoneysaa markii ugu horeysay oo gudoomiye ama maamul loo magacaabo degmada Xarfo tan iyo intii la aas aasay
C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International- Garoowe