fariin Cod ah oo uu soo duubay Hogaamiyaha labaad ee Ururka Al-Qaciddada Jasiiratul carab Saciid Al-shuhri, isla markaana lagu faafiyay Qaar ka mid ah qaar ka mid ah Website-yadda ayaa waxa uu uga mahadceliyey xarakada Al-shabaab Al-mujaahidiin dagaal yahanadda ay u dirayaan dalka Yemen si ay uga barbar dagaalmaan Al-qaacidada Jasiiratul Carab.
Sidoo kale Shuhri wuxuu Fariintiisu ku sheegay in ay lagamaarmaan tahay in labeegsado danaha mareykanka ee dunida oo idil.
Shuhri waxa kala oo fariintiisu ugu hambalyeeyey Cumar Faaruuq C/mudhalib oo isku dayey in uu qarxiyo diyaarad rikaab mareykan ah oo ku sii jeeday dalka mareykanka.
Shuhri oo loo yaqaan Abii Sufyaan Al-shuhri ayaa ku biiray ururka Al-qaacidada Yemen kadib markii uu ka soo noqday xabsiga Guantinamo.
Ustaad: C/xakiim maxamed Cumar
SBC international- Monitoring