Natiijoojiyinka hordhaca ah ee ay soosaareen guddiga dooroshooyinka dalka Ukraine ayaa muujinaya in musharaxa mucaaradka ninka lagu magacaabo Victor Yankovij ah ee gacan saarka la leh dalka Russia uu ku guuleystay %48 codadka doorashooyinka.
Mr Yankovij ayaa ka cod batay haweenayda gacan saarka la leh dalalka reer galbeedka ahna ra’iisal wasaaraha ka ah dalka Ukraine Yuuliya Timoshinkow.
Labada musharax oo la sheegay in natiijadooda aad isugu dhawayd ayaa waxa soo baxay kadib markii la tiriyey codadka %95 in ninka gacan saarka la leh dalka Russia uu helay wareegii labaad codadkaas %48,04halka haweenayda ra’iisal wasaaraha ka ah dalkaas ay heshay %46,14 sida uu sheegay gudiga dhexe ee doorashooyinka dalka Ukraine.
Kadib markii lagu dhawaaqay natiijooyinka doorashada ayaa waxa saxaafadda la ahdlay Mr Yankovij isagoo ku hadlaya luqadda Ruushka ayuu ugu hambalyeeyey taageerayaashiisa guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday maalintii shaley.
Guusha uu kagaaray mid kamid ah raga gacan saarka laleh dalka Russia madaxtinimada dalka Ukraine ayaa wax ay walaac ku abuuraysaa dalalka reer galbeedka halka uu ku dambeen doono xiriirka ay la leeyihiin dalka Ukraine.
UStaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring