Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Dowladaha France & Belgium oo askarta UPDF ugu tababaraya howlgalka Somalia.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dalalka Belgium iyo France ayaa la sheegay inay iminka tababar u wadaan ciidamada dalka Uganda kuwaasoo la filayo in dhawaan loo soo diro dalka Somalia islamarkaana ay qayb ka noqdaan ciidamda Uganda  ee awal hore ugu joogay Somalia howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Ciidamadan tababarka uu usocdo oo gaaraya 1,600 oo askari  ayaa  waxaa dalka Uganda lagu barayaa casharo la xiriira sida loo galbiyo gawaarida gaashaaman ee ciidamada, sida miinooyinka  dhulka looga saaro, sida loo baaro waxyaabaha qarxa, sida howlgalada ciidamada loo sameeyo, sida baraha koontarool loo maamulo iyo waliba sida la isku difaaco.

"Howsha aan u imid Uganda waxaa ay tahay inaan tababaro in ka badan 1,600 oo ka tirsan askarta UPDF ee dalka Uganda kuwaasoo loo diri doono magaalada Muqdisho Bisha May ee soo socota,  waxaana tababarkani uu qaadan doonaa shan todobaad" ayuu yiri Lt. Col. Rousselle Gabriel,  oo ah madaxa saraakiisha ciidamada ee tababarkan bixinaysa.

Col. Gabriel,  waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in iminka ay dalka Uganda ku joogaan 35 tababarayaal faransiis ah  iyo laba Belgium ah.

Sarkaalkan Sare ayaa hadalkan sheegay mar uu warbixin kooban siinayay, safiirada dalalka France iyo Belgium  Mr Marc Gedopt iyo Rene Forceville. mar ay booqasho ugu yimaadeen dugsiga tababarka ciidamada  Singo ee ku yaala deegaanka Luwero ee dalka Uganda.

"Askartan ayaa  waxaa sidoo kale loo tababarayaa fulinta gargaarka deg dega xiliyada colaada, iyo soo usoo daad guraynta meel amaan ah dadka  ku waxyeelooba dagaalada, iyagoo sidoo kale loo tababarayo toogashada  masaafada dhow  iyo difaac nafsiga iyagoo adeegsanaya qaab horumarsan" ayuu yiri Col Rousselle.

Safiirka dalka Belgium ee Uganda  ayaa isna geestiisa ka sheegay in heshiiskan tababarka ciidamada Uganda uu ahaa mid ay wada gaareen dowladaha Uganda iyo France, iyadoo dowlada Belgium-na  ay ka taageeraysay oo kaliya Macalimiinta Faransiiska dhinaca Miino saarista.

Labada Dowladood ayaa waxaa ay doonayaan in ciidamada UPDF-ta ee dalka Uganda  ay kor u qaadaan awoodooda Military si ay uga qayb qaataan howlgalada Magaalada Muqdisho halkaasoo khataro badan iyo isbiimayn dhinaca naftooda ahba ay kala kulmayaan.

Safiirku waxaa kaloo uu sheegay in xirfadaha ay faa’idaystaan askartani ay ka caawin doonto  inay ka qayb qaataan howl galo kale oo nabad ilaalin haday ahaan lahayd AU ama Qaramada midoobay midkood.

Safiirka France u fadhiya Uganda ayaa isna u kuurgalay sida askarta Uganda ay shaqada wanaagsan uga qabanayaan dalka Somalia.

"Dhib kuma qabno taageerida howlgalka nabad ilaalinta ee dalka Somalia"ayuu yiri Ambassador Forceville  oo intaasi ku daray in dowladiisu ay deeqo waxbarasho siinayso askarta Uganda si ay u bartaan luuqada Faransiiska iyo  inay wax ka bartaan kuliyadaha kale ee ciidamada Africanka ah lagu tababaro.

C/risaaq Cismaan Bulqaas
SBC Inernational Monitoring Cairo.
ccbulqaas@gmail.com



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Sep 07 Boqorka Urdun iyo madaxweynaha Syria oo ka wada hadlaya xaalada Isreal falastiinyiinta.
Sep 07 Ruushka oo heshiisyo ganacsi oo dhinaca hubka ah la galaya Isreal
Sep 07 Maraykanka oo ka walaacsan warbixinada ay IAEA kasoo saarayso Nuclear-ka Iiraan.
Sep 06 Natiijada dhamaanta Tartankii Xaafadaha Israac Gaalkacyo & Goljano Waciye
Sep 06 Natiijada Dhamaadka Tartankii Cuslaa ee Dhexmaday Laanta Hawada & Xorgoble
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2010   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software