Kulan Saxaafadeed uu goordhow ku qabtay magaalada Muqdisho Sh Cali Maxamuud Raage Sh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday Sarkaal ka tirsanaa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo maanta u soo goostay Dhanka Xarakada Shabaab Almujaahidiin.
Waxaa uu Sh Cali Dheere sheegay in Sarkaalkan ku soo biiray mujaahidiinta lagu magacaabo Baashi Axmed Urur islamarkaana uu ka soo goostay Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Furinta hore ee Dagaalka gaar ahaan dhanka Warshada Nacnaca Ama warshada Kabka Degmada Wadajir sida uu hadalka u dhigaye,
Sh Cali dheere ayaa hadalkiisa waxaa kale oo uu ku sheegay in sarkaalkan ku soo Biiray Xarakada Alshabaab Almujaahidiin uu la bisanyahay Dress ay dowladu ku tala gashay in ay dagaal todobaadyada Soo fool leh ku gasho, isagoo intaasi ku daray in inta aysan Dowlada dagaalka soo qaadin ay iyagu ku qaadi doonaan.
Waxaa uu ugu baaqay sidoo kale saraakiisha kale ee Dowlada in ay ku darydaan sarkaalkan ku soo biiry waasida uu Sh Cali Dheere Halkada u dhigaye.
Daqiiqado un ka hor ayay aheyd markii ay saxaafada la hadleen Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab Almujaahidiin kuwas oo ku shaaciyay in Sarkaalkan uu ku soo biiray Xarakada balse sheegay in Masuuliyinta Xarakada ay shaacin doonaan magaciisa taas oo uu iminka shaciyay Sh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Shabaab Almujaahidiin,
SBC International Muqdisho Reporters