Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in gurigii hore ee Umada Soomaaliya oo ku bur buray Dagaalasii ka dhacayay gudaha Muqdisho intii ay Dowlad ahaanta aheyd Soomaaliya ay maalmaha nagu soo foolka leh laga furi doono kulamada Baarlamanka.
Gudoomiyaha iyo wafdi uu horkacayay ayaa safar booqasho ah ku tagay Gurigii hore ee Umada oo gabagabo maraya Dayactir ay Dowlada KMG ah ku sameysay, waxaanu hadalkan sheegay Shir jaraaid oo uu bartamaha Guriga Umada ugu qabtay Saxaafada.
Waxaa uu gudoomiyuhu hadalkiisa ku xusay dadaalada loo galay dib u soo celinta gurigii hore ee Umada oo Dowladii hore ee Siyaadbare halbowle u ahaa, taasina uu ku macneeyay Dadaal hor u kac leh oo ay dowladu u gashay.
Sh aadan Maxamed Nuur Madoobe waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qeybaha kala duwan ee Umada in ay gacan ka geystaan dib u habeynta lagu wado xaruntoodii si ay dib uga bilowdaan howlahii shaqo ee Guriga Umada.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa uu gudoomiyuhu rajo ka muujiyay in todobaadyada soosocda ay guriga Umada ka furmaan kulamadii Baarlamanka maadaama lawada ogyahay in ay hakad ku jiraan kulamadii uu yeelanjiray Baarlamanka taasna ay ugu wacantahay in ay la’yihiin meelihii ay ku shiri lahaayeen.
C/raxmaan Lucky
SBC International- Muqdisho.