Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Mid kamid ah Amiirada dalka boqortooyada Sucuudiga oo gacan qaaday wasiir Israeli ah

Iyadoo maalmahan shir sanadeed looga hadlayey arrimaha nabad gelyada caalamka uga socday dalal tiradooda boqol kor u dhaafaysa magaalada Munich ee dalka Germany ayaa waxaa maalintii shaley si lama fialan ah isu gacan qaaday oo ismarxabeeyey mid kamid ah Amiirada dalka boqortooyada sucuudiga oo lagu magcaabo Amiir Turki Al-faysal iyo kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda Israel Daani Ayaloon .

Amiirka ayaa ku micneeyey gacan qaadkiisa wasiir kuxigeenka Israel in ay timid kadib markii uu diiday Amiirku in uu garab fadhiisto wasiirka israa’iliga inta uu socday shirka islamarkaana uu go’aansaday in uu cudur daar ka bixiyo arrintaas.

Amiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ka xumaaday qaabka uu ula dhaqmay wasiirka israa’iiliga safiirka Turkiga u fadhiya Tel Aviv iyo hadaladii uu wasiirku ku sheegay in dowladda sucuudigu aysan waxba u qaban shacabka filistiin marka laga reebo xoogaa dhaqlaale ay siiyo maamulka Maxamuud Cabaas.

Arrintaan ayaa waxa ay keentay in saxaafadda caalamka ay si aad ah uga hadasho iyadoo ka eegasya kala fogaanshaha xukuumadda boqortooyada sucuudiga iyo Israel oo ah meel dalalka carabta oo dhan laga necebyahay.

kadib markii ay soo baxday arrintaan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Amiir Turki Al-faysal oo horey u ahaan jirey madaxa sirdoonka Sucuudiga wuxuuna sheegay in arrintaan aysan ahayn in sucuudigu uu aqoonsan yahay Israel dal islamarkaana saxaafadu aysan buunbuunin gacan qaadikiisa mas’uulka Israa’iiliga ah.

Amiirka oo ah xubin sare oo katirsan qoyska haya talada dalka Boqortooyada sucuudiga ayaa ku nuunuuxsaday in uu cambaareenayo siyaasadda Israel ay kula dhaqanto shacabka filistiiniyiinta.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Sep 09 Reysul wazaare shermarke oo afur usameeyay xilibaano kusugan Nairobi.
Sep 09 Diyaaradaha basaaska Maraykanka oo duqaymo ka gaystay Pakistan.
Sep 09 Dowlada Yemen oo xoojisay ciidamadeeda dagaalka kula jira Al qacidad wadankaasi.
Sep 09 Madaxweynaha Nijeria oo isku shaandhayn ku sameeyay Saraakiisha ciidamada
Sep 08 Guriga Gudoomiyaha Deg Guriceel oo Xalay lala eegtay Qaraxyo
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2010   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software