Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalka Masar ayaa waxba kamjiraan ku tilmaamtay warar la is la dhxexmaraya oo sheegay in dowladda Masar ay ku xrakibtay Masaajidada dalkaas kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa dadka ku sugan masaajidada dalkaas.
Wakiilka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalka Masar ninka lagu magcaabo Shawqi C/ladhiif ayaa u sheegay warbaahinta dalkaas in masjidka lagu magcaabo Alsayida Nafiisa oo keliya lagu rakibay qalabkaas si looga ilaaliyo ayuu yiri tuugada xadaysa sanaduuqyada lagu uruuriyo tabarucaadka Masjidka balse aysan jirin ula jeedo kale oo laga leeyahay kaamirada lagu rakibay masjidka.
Arrintaan ayaa muran kadhalisay dalka Masar iyadoo qaar katirsan xubnaha golaha shacabka dalka Masar ay ka codsadeen ra’iisal wasaaraha dalka Masar Axmed Nadiif uu xil ka xayuubin ku sameeyo wasiirka Diinta iyo Awqaafta dalka Masar Axmed Saqsuuq.
Tirakoob ay samaysay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalka Masar ayaa lagu sheegay in dalka Masar ay kadhisan yihiin 104 kun oo Masaajid kuwaas oo u qeybsan dhamaan gobolada dalka Masar oo dhan.
Shacabka Masar ayaa maalmahan hadal haynta ugu badan ay tahay ujeedada dowladdu kaleedahay la socodka dhaqdhaqaaqyada guriga Alle ama baytullah iaydoo la adegsanyo kaamirooyin-ka wax basaasa oo la shaqeenaya shabkada internet-ka.
Shacabka Masar ayaa aaminsan in dowladda Masar ay si aad ah ula socoto khudabadaha iyo muxaadarooyinka Diiniga ee Masaajida ka baxa iyadoo adeegsanaysa jawaasiis u tabaran hawshaas.
Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International- Monitoring