Waxaa maanta shir jaraa id ku qabtay gudaha xarunta rugta ganacsiga Puntland ee bosaso gudoomiyaha rugtaasi maxmud xayir Ibraahim
shirkaasi saxafadeed ayuu gudoomiyaha kaga warbixiyay safarkiisi
uu ku tagay dalka indonisia kaasi oo uu kaga qayb galay shirar kala duwan
oo ku saabsan horumarinta ganacsiga iskaashatoyinka oo ka shaqeya howlaha
ganacsiga ee kala duwan ee dalka Indonisia,
gudoomiyaha ayaa sheegay in lagu soo dhaweyay goobo badan oo
ganacsi kuwaasi oo lagu shaqeyo habka iskaashiga waxaana ka mid ahaa
meelaha ay booqdeen iskaashatoyinka Dawoyinka,Dharka, iyo qaybo kale
oo badan waxaana uu sheegay in ay tahay habka ay ku shaqeyaan
hab ay Horumar weyn ka gaaren marka la eego qaabka ay u shaqeynayan
oo Gudomiyahu sheegay in ay booqden,
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland MaxMud Xayir Ibrahim ayaa intasi
ku daray in qaybaha kala duwan ee Iskashatiyinka dalka Indonisia ay kala
hadlen sidii lola shaqeyn lahaa iskaashatoyinka Somalia Gaar ahaan Puntland
oo isagu wakiil ka ahaa,
waxyaabaha aya sida gaarka ah ay ka ah ay u dalbadeen ayaa waxaa
ka mid ah isla markaasina ay isku afgarteen in Xafiisyo labada dhinac ah
laga kala furo Puntland Iyo Indonisia, gudomiyaha ayaa sheegay in ay inta badan aqbaleen dalabkooda,
sidoo kale waxa uu intaasi ku daray gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland
in la badiyo booqashoyinka labada dhinac ee ay ku tagayan dalalka ay ka kala
dhisan yihiin,
dhinaca kale gudomiyaha ayaa si gaar ah afka ugu dhuftay in ganacsatada
Reer Puntland marka ay tagayaan dalkaasi Indonisia loo Fududeyn doono
Kaarka dal ku Galka ama Fisaha taasi oo ah Guul la taaban karo oo ay helen
ganacsatada,
inta badan ganacsatada reer Indonisia ayuu sheegay gudomiyaha
rugta ganacsiga in ay dalbadeen in la isku dayo in Puntland lagu
beero Suufka oo si aad ah ay ugu baahan yihiin ganacsatada Indonisia
taasi oo wax weyn ka tari doonta hore u socod siinta howlaha wada shaqeynta
iskaashatoyinka labada dhinac,
gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxmud xayir Ibraahim ayaa
sheegay in ay guulo badan ay ka gaareen safarkaasi ay ku tageen Indonisia
waxaana uu sheegay in safarada noocan ah ay sii socon doonan
Mohamed A rashiid
SBC International- Boosaaso