Puntland Hospital
Waxaa Puntand hospital la furay 15/02/2005, wuxuuna ku yaalaa magaaladda Bossaso. Hospital-ku waxaa uu ka qabtey waxyaabo badan oo cuduro iyo dhaawacyo badan leh oo markii hore wadanka gudihiisa waxba lagu qaban jirin taasoo runtii u sahashay in dad badan oo dhibaateysanaa wadankooda loogu fuliyey wixii ay u aadi jireen dibadaha.

TUSAALE AHAAN, jajabka lafaha iyo biro galintooda oo markii loo aadi jirey dibadaha ama lagula tacaali jirey kabid dhakhmeed oo runtii mararka qarkood ay keeni jirey curjaanimo ama qaabkii kabista oo aan sax ahayn , qaliimadda qarkood iyo cuduradda sanka, Cunaha iyo dhagahaba (ENT).

Hospital-ku waxa uu ka kooban yahay qeybahaan kale duwan ee hoos ku qoran:

(Sawirka Hoose) Dhaqaatiirta Puntland Hospital oo ku hawlan qaliin culus

Qeybya qaliinka (Surgery)
Qeybta Sanka, Qumanka iyo Dhagaha ( ENT Department)
Qeybta Lafaha iyo Jajabka Orthopaedic Department)
Qeybta Cuduradda guud, caruurta iyo qaliinka (General medicine, surgery and Paediatric)
Qeybta Ilakaha (Dentist Department)
Qeybta Jiifka Dadka waawyen, caruurta (Admission department)

Qeybta gargaarka deg deg ah 24-saac (Accident and Emergency department 24Hrs)
Qeybta raajadda (X-Ray Department)

Dhaqaatiirta Puntland Hospital oo ku hawlan qaliin culus

Qeybta Indha iyo Muraayadaha (Optical Department)
Qeybta Sheybaarka ( Laboratory Department)
Qeybta Daawooyinka (Jumlo iyo Tafaariiq) (Pharmacy department).

Hospital-ku waxa uu furan yahay 24-saac, waxaa ka helysaa xilli walba dhakhaatiir iyo shaqaale heegan u ah in ay wax kuu qabtaan, kuuna fuliyaan wixii aad uga baahatid.

 

Qeybta Dumarka iyo Dhalmadda ( Gynaecology and Obstetric Department, sugary perform: Caesarean section, Fibroma and other operations) Waxaan aad iyo aad u bishaareynaa in manta haweenkii halista u galiyey markii ay dhalayaan in aanu u sameyn qeybgooni ah oo 24-saac furan taasoo u sahleysa in aysan dhibaato ku noqon xilliga dhalmadda oo umulisooyin iyo dhakhaatiir heegan u ah aynu u sameyn. Waayo waxaa aad iyo aad u badan dhimashadda xilliga dhalmdda oo ay soomaalidu tiraahdo waa umul raacdey qofkaasi waxaana laga yaabaa in ay hoyadaasi u baahnaan leheyd oo kaliya caawinaad iyo dadkii aqoonta u lahaa in ay howshaas fuliyaan.

Hospital-ku wax uu qabtaa dhamaan wixii adeeg ah oo aad u baahan tahay asagoo mar walba heegan kuugu ah in uu daryeel tayo iyo qiimaba leh laguu sameeyo.
Qaar ka mid ah Dhakhaatiirka ka hawlgasha Isbitaalka casriga ee Puntland

Qalabka casriga ee Puntland yaal & qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka hawlgasha
Dr.Hoolif oo ka mid ah dhaqaatiirta caanka ah ee ka hawlgasha P/Hospital
Puntland Hospital wuxuu ku yaal wadada Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana uu ka soo horjeeda xarunta Hay'adda UNICEF
Wixii Faahfaahin ah:Tell: #2525-826665/ 826663/ 826664/ 826665/#252-90 795360 ama Fax #2525-826664 ama 2525-501010 ama E-mail info@puntlandhospital.com ama abdisalanh@gmail.com
ama booqo Page-ka www.puntlandhospital.com
@ Copyrights 2009 Waxaa Diyaarisey Qaybta Xayeysiiska ee SBC